Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Cayaaraha Mudan Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Zeynab Xaabsay, Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta kormeer ku sameeyay garoonka kubadda cagta ee Stadium Mogadisho oo dhowaan marti gellin doona ciyaaraha dowlad goboleedyada ee sanadkan, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay agaasimaha garoomada ee Wasaaradda Cabdullaahi Cabdi Maxamed.
Wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa si gooni ah ugu kuurgalay Xayndaabka (Fence) kala sooca ciyaaryahannada iyo daawadayaasha oo wasaaraddu ay ka shaqaynayso sidii loogu dhisi lahaa garoonka maadaama uu qayb weyn ka qaadanayo bedqabka ciyaaryahannada iyo taageerayaasha labadaba.
Wasiir Maxamed Barre ayaa amray agaasimaha garoomada ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Cabdullaahi Cabdi Maxamed ( Xiirey) in la dedejiyo qorshaha dhismaha Xayndaabka.
Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa Wasaaradda ku soo kordhiyay waax loogu tallo galay dayactirka iyo horumarinta garoomada dalka si dhallinyarada Soomaaliyeed u helaan garoomo tayo leh.