Saturday, August 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 28, 2023
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 5-aad ee wareegga koowaad  ku tartamay Degmooyinka Wadajir iyo Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Wadajir iyo Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025

Wadajir

Tartameyaasha Degmada Wadajir ee Gobolka  Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ttodobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, halka ay iska qaldeen Shan  su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay  heleen tartameyaasha Wadajir, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Wadajir ay heleen waxay noqotay Afar (4)  dhibcood.

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey  ee Gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay  todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideesteen Labo su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Wadajir,  sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbahaareey waxay noqotay  Afar iyo Toban (14) dhibcood, taasi oo noqoneysa dhibcihii ugu badnaa ee ay degmo ku badiso inta uu tartanka furmay.

Hadaba kulankii 5-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Garbahaareeyy ee Gobolka Gedo, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd  30$ ka jawaabay  Cabdullaahi Cabdiwahaab Cabdullaahi oo jooga degmada Warta-Nabadda, kaasi oo ku guuleystay 30$ dollar oo abaalmarin ah oo ay bixineyso Bankiga IBS.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 6-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Hodan iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud.

 

 

Waa sawirada tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo 

Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo hirgelisay xarumaha Caafimaadka ee guurguura “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Muqdisho oo Casha sharaf u sameeyay maamulka iyo ciyaartoyda degaanka Gubadley

Next Post
Duqa Muqdisho oo Casha sharaf u sameeyay maamulka iyo ciyaartoyda degaanka Gubadley

Duqa Muqdisho oo Casha sharaf u sameeyay maamulka iyo ciyaartoyda degaanka Gubadley

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah...

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

August 9, 2025
0

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA ku soo dhaweeyay Madaxa Hay’adda  Läkarmissionen International...

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

August 9, 2025
0

Iyadoo la fulinaayo amarka ka soo baxay  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa hoggaanka Xiriirka Bulshada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In