Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Ammaanka QM oo diiday codsi kaga yimid Ruushka

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Golaha Ammaanka QM oo diiday codsi kaga yimid Ruushka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday codsi ka yimi dalka Ruushka oo ahaa in baaritaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday dhuumaha shidaalka ka soo qaada dalka Ruushka ee geeya dalalka Yurub, ee loo yaqaan Nord Stream 1 iyo 2.

Ruushka, Shiinaha iyo Brazil ayaa u codeeyey codsiga Ruushka, hase ahaatee xubnaha kale ee golaha ammaanka ayaa sheegay inaan loo baahnayn in baaritaan lagu sameeyo arrintan.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Sida uu yahay dhaqanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaraarkasta oo dhaqan gal noqonaya ayaa u baahan in sagaal xubnood oo ka mida 15-ka xubnood ee golaha ammaanku inay u codeeyaan “haa”, iyo weliba inaanu diidmada qayaxan isticmaalin mid ka mida shanta dal ee xubnaha joogtada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhuunta shidaalka ee Nord Stream 1 ayaa shidaalka geynaysay dalka Jarmalka, illaa ugu dambayn uu Ruushku ka joojiyey bishii August ee sannadkii 2022, dhuunta labaad ayay dawladda Jarmalka warqaddii ogolaanshaha kala laabatay, markii uu Ruushku duullaanka ku qaaday dalka Ukraine.

Bishii September ee sannadkii 2022 ayaa weerar lagu qaaday dhuumahan shidaalka, walina ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaas.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo Casha sharaf u sameeyay maamulka iyo ciyaartoyda degaanka Gubadley

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS oo hambalyo u dirayxulka kubadda Cagta degaanka Gubadley

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS oo hambalyo u dirayxulka kubadda Cagta degaanka Gubadley

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS oo hambalyo u dirayxulka kubadda Cagta degaanka Gubadley

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In