Kudhawad 120 Qoys oo dan,yar ah aya kafa,ideystay Deeq Rashin ah oo ay Dowlada Soomaaliya Garsiisay shacabka Dagmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Rashinkan oo ka koobnaa Bur, Baris, Sokor, salid iyo caano aya qeybintisa waxa ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo fadaralka u wakiilatay Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane waxa uu u mahadceliyay Wasaaradda Arimaha Guddaha xukumada Federaalka ah ee Soomaaliya oo Rashinkan geysay Degmada Maxaas.
Duruufo ka dhashay abaaraha ku dhuftay Gobolka ayaa sababay in qoysas badan ay ku xoolo beeleen abaaraha islamarkaan ay isaga soo barakaceen meelihii ay ku noolaayeen, ayagoo usoo wareegay magaalooyin ay ka mid tahy Degmada Maxaas.