Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Mukhtaar Maxamed Waare.
Danjiraha, ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhambaal salaan ah oo uu ka waday Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.
Labada masuul, ayaa sidoo kale kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya.