Thursday, May 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, Arbaco, 26 April, 2023

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

May 7, 2026

1-            Dowladda iyo shacabka ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo bishii Ramadaan xaqiijiyay in magaalooyin badan oo dalka ka tirsan si nabad ah loogu soomay, laguna ciiday. Ciidanka oo kaashanaya shacabka ayaa Khawaarijta u diiday fursad ay ku geystaan falal argagixisonimo sidii looga bartey sannooyinkii la soo dhaafay.

2-            Munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay is cafiyaan, is-kaalmeeyaan, lagana shaqeeyo dowlad dhiska iyo ciribtirka Khawaarijta.

3-            Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis u fidiyay 127-maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada dalka munaasabadda Ciiddul Fidriga awgeed.

4-            Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cabdi Barre ayaa Ciidammada Qalabka Sida ugu hambalyeeyay suuragelinta sugidda amniga dalka, gaar ahaan iyagoo suurageliyay in magaalooyin badan oo dalka ka tirsan 15 sanno kadib si nabad ah oo xorriyad leh loogu afuray.

5-            Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo booqday xerada milateriga ee Gordan ee Muqdisho ayaa halkaasi kula dardaarmey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku biiraya hawlgalada ciribtirka Khawaarijta ee dalka daafahiisa ka socda.

6-            Madaxweyne Xasan Sheekh oo Marwo Maryan Yaasiin u magacaabey Ergayga Arrimaha Carruurta iyo xuquuqda Soo-galootiga.

7-            Dowladda Federaalka Soomaaliya oo degdeg u bilaabeysa daadgureynta iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Suudaan oo dhowaan ay dagaalo ka bilowdeen.

8-            Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Burundi Albert Shingiro oo dhowaan Muqdisho booqasho ku yimid ayaa bogaadiyay guulaha degdegga ah ee Dowladda Soomaaliya ay ka gaartey dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab, isagoo intaa ku darey in Burundi ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya.

9-            Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa wakiillada hay’adaha caalamiga  kala hadashey qorshaha samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalka Suudaan oo dagaalo ka socdaan.

10-          Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Mudane Maxamed Cali Xagaa oo guddoomiyay shir looga hadlayey xoojinta amniga iyo hirgelinta Xeerka Xakameynta Hubka ee caasimadda.

11-          Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo burburiyay goobo ay Khawaarijta dadka ku baadi jireen oo kala ah

Aw-dheegle, Daanyeerrey, Gumeysi diid, Ay Butey, Buulo Naageey iyo Keli caafimaad oo ka kala tirsan Aw-dheegle, Jannaale iyo Lambar Konton ee gobolka Shabeellaha Hoose.

12-          Ciidamada Xoogga Dalka ayaa  fashiliyay weerar naf la caari ah oo Khawaarijta ku qaadeen magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

13-          Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta ka xoreeyay tuulada Jameeco ee gobolka Hiiraan.

14-          Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo hawlgal amniga lagu sugayo ka fuliyay Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay dhowr burcad ah iyo dad ka ganacsanayey maandooriyaha.

15-          Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa la horkeenay 30 ruux oo ajaanib ah oo lagu soo eedeeyay inay kaluumeysi sharci darro ah ka fuliyeen xeebaha dalka. Waxaa sidoo kale maxkamadda ay xaraasheysaa kaluunkii sida sharci darada ah ay eedeysanayaasha uga jilaabteen xeebaha Soomaaliya.

16-          Ciidanka Danab oo deeq raashin ah gaarsiiyay xarun ay ku jiraan caruur darbi jiif ah.

17-          Maamulka Gobolka Banaadir oo xiray goobo lagu iibiyo maandooriyaha oo ku yaala xeebta Liido ee Muqdisho.

18-          Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa burburiyay fariisimo qarsoodi ah oo Khawaarijta ku lahaayeen degaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad e Galmudug.

19-          Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Daraawishta Jubaland ayaa burburiyay fariisimo ku yaalla Buula Maadey iyo Alamgaab oo ka tirsan Jubbada Hoose, halkaas oo ay Khawaarijtu ku dhuumaleysanayeen.

20-          Ciidanka Danab ayaa deeq gaarsiiyay qeybo ka mid ah Degmada Galcad oo ka mid ah  degaannadii laga xoreeyay Khawaarijta Al Shabaab.

 

 

=========DHAMMAAD===========

 

Previous Post

Muwaadiniintii ugu horreysay ee laga soo badbaadiyay dagaalada Suudaan oo dalka soo gaaray

Next Post

Dad ka qaxay Colaada Suudaan oo gaaray dalka Sacuudiga

Next Post
Dad ka qaxay Colaada Suudaan oo gaaray dalka Sacuudiga

Dad ka qaxay Colaada Suudaan oo gaaray dalka Sacuudiga

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xarigga ka jaray qeybo si heersare...

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

May 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka Difaaca...

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashigooda dhanka Istaraatiijiyadda ah

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashigooda dhanka Istaraatiijiyadda ah

May 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta kulan la yeeshay...

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

May 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Ayuub Ismaaciil ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda International Organization...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In