Tuesday, February 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda SoDMA oo Shacabka uga digtay Roob xoogan oo laga yaabo in uu ka da’o Gobolada Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Hay’adda SoDMA oo Shacabka uga digtay Roob xoogan oo laga yaabo in uu ka da’o Gobolada Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay inay ka fogaadaan neelaha qatsrta uga imaan karta, maadaama laga cabsi qabo in uu Gobollada dalka qaarkood ka da’o Roobab Mahiigaan ah.

Guddoomiyaha oo shir saxaafadeed qabtay ayaa xusay in shacabku ay muujiyaan feejignan dheeri ah, isagoo xusay dhawaan Magaalada Qardho ay ku soo togmadeen daadad, sidoo kalena magaalada Muqdisho ay ka dhaceen dhimasho sababtay Roobabka.

Related posts

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026

“Shacabka Soomaaliyed haka fogadaan goobaha biyo mareenada ah, Roob xoogan oo mahiigan ah ayaa ku soo wajahan dalka  sidoo kale shacabka waxaan rabnaa inay qaataan talooyinka Hay’adda, maadaama isbuuc kasta an soo saarno xaalado aan uga hadleyno Roobabka iyo Webiyada buux dhaafiyay ee laga cabsi qabo inay fatahaado ka dhashaan”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay inay wadaan qorsheyaal looga faa’iidaysan doona biyaha, maadaama shacabku ay mar ka cabanayaan biyo yari halka marka kalena kaga cabto fatahaadaha.

Sidoo kale waxaa isna madasha ka hadlay  Agaasimaha Xarunta Qaran  ee Howlgallada Gurmadka Degdega (NEOC) ee Hay’adda SoDMA, kaasi oo tilmaamay in Xarumaha kala duwan ee Hay’adda ay mar walba u taaganyihiin in ay bulshada siiyaan digniino looga hortagayo dhibaatada.

Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Maareeynta Musiibooyinka oo ay hoos tagto Xarunta Qaran ka digista Halis-wadareedka Khadar Sheekh Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyay cabsida weyn ee laga qabo Roob xoogan oo dalka qaybo ka mid ah ka di’i doona.

Previous Post

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka XFS oo daahfurtay mashruuc ku saabsan sare u qaadidda adeegga caafimaadka

Next Post

Muqdisho dhisme soo dumay oo sababay dhimashada afar carruur ah

Next Post
Muqdisho dhisme soo dumay oo sababay dhimashada afar carruur ah

Muqdisho dhisme soo dumay oo sababay dhimashada afar carruur ah

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo diirran u diraysaa Boqor Hassanal Bolkiah, Dowladda iyo shacabka Brunei Darussalam munaasabadda Maalintooda Qaranka. Soomaaliya...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Somalia Congratulates Brunei on National Day

February 23, 2026
0

The Federal Republic of Somalia extends its warmest congratulations to His Majesty Sultan Haji Hassanal Bolkiah, the Government, and the...

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdiqaadir Cilmi ayaa guddoomiyay kulan la xiriira arrimaha adeegyada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In