Wasiirada Wasaaradaha Batroolka iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed Iyo Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac( ilka jiir) ayaa waxaa xarunta Hay’adda ku soo dhaweeyay Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan.
Guddoomiyaha Hay’adda oo shir saacado qaatay la yeeshay mas’uuliyiintan ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii Wasaaradahaan iyo SoDMA ay wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen, in Wasaradda Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka caawiso SoDMA sidii dhamaan dakadaha dalka xarumo ugu yeelan la heyd oo ay ku keedsato rashinka iyo qeybaha kale ee Gargaarka.
Wasiirka Batroolka ayaa dhankiisa Madaxda ugu sareysa Hay’adda kala hadlay cabsida laga qabo fatahaadaha laga yaabo in ay ka dhacaan Magalaada Baladweyne oo bulsho badan ay ku nooshahay iyo in Hay’adda u diyaar garowdo arimahaas sidii looga gaashaaman la ahaa.
Wasiiradan ka tirsan XFS ayaa bogaadiyay shaqada culus ee Hay’adda heyso mudadii koobneed ee ay shaqeyneysay, iyagoo ku amaanay Guddoomiyaha Hay’adda dadaalka u geliyay shaqooyinka hortabinta u leh Hay’adda taas oo dhamaan madaxda dalka qireen.