Qeybaha kala duwan ee Ciidanka ammaanka gobolka Banaadir ayaa howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa waxay ku soo qabteen rag ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya .
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay Ciidanku ku baarayeen goobo lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya, iyagoo gacanka ku soo dhigay jirigaamo ay ku jiraan qamriga macmalka ah ee calaqa, xashiish iyo shan qof oo ka ganacsanayay.
Taliyaha qeybta Waliyow Cadde ee Booliska gobolka Banaadir, G/le, Daa’uud Axmed Carraale ayaa boqolaal dhallinyaro ah oo howlgalka lagu soo qabtay faray sheegay in da’yartu la shaqayso laamaha ammaanka oo ay sheegaan waxa dhibka ku haya bulshada.
Taliye Daa’uud ayaa dhallinyarada ugu baaqay in soo sheegaan Garan-waaga ku dhuumaaleysanaya xaafadaha oo ay soo gudbiyaan wixii ay ka shakiyaan, iyagoo kaashanaya ciidamada Qaranka, wuxuuna tilmaamay in dhibaatada dhacda iyo wanaaggaba ay si toos ah u taabanayaan da’yarta Soomaaliyeed.