Wednesday, August 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay: kala bar dadka Suudaan waxay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo

caqiil by caqiil
May 17, 2023
in Wararka
0
Qaramada Midoobay: kala bar dadka Suudaan waxay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirka Arrimaha Bani’aadannimada ayaa maanta oo Arbaca ah, sheegay in ilaa 25 milyan oo qof, oo ka dhigan in ka badan kala bar dadka reer Suudaan, ay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo.

Mas’uulkan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in ay jiraan ku dhawaad ​​hal milyan oo qof oo ka barakacay colaadaha ka socda Suudaan, kuwaas oo intooda badan u sii gudbay dalalka deriska.

Related posts

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025

Agaasimaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirka Arrimaha Bani’aadannimada, Ramesh Raja Singham, ayaa tilmaamay in qorshaha wax ka qabashada arrimaha bini’aadannimo ee Suudaan, ay u baahantahay dhaqaale gaaraya 2.6 bilyan oo dollar, taasi oo uu sheegay haddii aan la helin in xaaladda Suudaan ay isu rogi karto dhibaato gobolka wada gaarto.

Dalka Suudaan, tan iyo bartamihii bishii hore waxaa ka socday iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada qalabka sida iyo xoogaga taageerada degdega ah, waxaana ka dhashay khasaare baaxad leh oo kala duwan.

Previous Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda

Next Post

Dhallinyarada maqalka la oo tartan loo qabtay

Next Post
Dhallinyarada maqalka la oo tartan loo qabtay

Dhallinyarada maqalka la oo tartan loo qabtay

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey wada shaqeynta iyo sare u qaadista sumcadda...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025
0

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo...

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

August 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Cali Saciid Fiqi, ayaa magaalada Baydhabo oo ah xarunta...

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

August 6, 2025
0

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in halgankii ay dadka deegaanku galeen ay haweenku ka qaateen door muuqda oo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In