Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashid Xaaji oo uu wehelinayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda mudane Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo), ayaa maanta booqasho ku tagay Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ugu kuurgalayeen xaaladda ganacsiga.
Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay kormeereen qeybaha kala duwan ee suuqa oo ay ka xog-waraysteen xaaladdooda iyo sida uu u shaqeeyoย waxaana ay warbixinno ka dhageysteen qaar ka mid ah ganacsatada suuqa.