Friday, May 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In ka badan 30 ka mid ah khawaarijta oo lagu dilay Masaggawaay

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Degaanno hor leh oo laga xoreeyay khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saaka si guul ah u fashiliyay isku day weerar oo ay Khawaarijtu ku soo qaaday magaalada Masagawaay ee Gobalka Galguduud oo dhawaan laga xoreeyay.

Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula socday dhaqdhaqaaqa Khawaarijta iskuna diyaariyay fashilintooda ayaa si xirfad iyo geesinimo leh u kala cayriyay Khawaarijtii halkaas soo weerartay.

Related posts

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026

Inta uu socday hawlgalka fashilintu waxa ay Ciidamada Xoogga Dalka toogteen in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii soo duulaanka tagtay kuwaas oo ay ka carareen maydadkooda, sidoo kale Ciidamada Qaranku waxa ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah gaadiidkii ay ku soo duulaan tageen Khawaarijtu iyaga oo gubay mid kale.

Waxaa socda hawlgal lagu baacsanayo firxadka Khawaarijtii la jabiyay.

Saddex ka mid ah Ciidamada Qaranka ayaa ku dhaawacmay hawlgalkaas, kuwaas oo xaaladdoodu ay ka soo raynayso.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa si is daba joog ah waxa ay jab ugu gaysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ah iyaga oo maalinba maalinta ka danbaysa ka xoraynaya dhul hor leh kuna fashilinaya isku dayadooda naf la caariga ah ee ay ku doonayaan in ay iskaga caabiyaan duulaanka Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Sarakiil ka kala tirsan sirdoonka Talyaaniga iyo Israa’iil oo ay Dooni la degtay

Next Post

WFP: 17 kun oo tan oo Raashiin gargaar ah ayaa lagu dhacay Suudaan

Next Post
WFP: 17 kun oo tan oo Raashiin gargaar ah ayaa lagu dhacay Suudaan

WFP: 17 kun oo tan oo Raashiin gargaar ah ayaa lagu dhacay Suudaan

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow Cali ayaa oo Daahfuray Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Xujeyda...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026   1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a dinner...

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia casho...

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In