Tuesday, August 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta iyo Caddaaladda

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta iyo Caddaaladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhiirri gelinaya  sarreynta sharciga iyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan garsoor Caddaalad ah, loo dhanyahay, lagu kalsoon yahay oo hufan ayaa furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta.

Hannaanka caddaaladda iyo Garsoorka oo looga heshiiyey Shirkii 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran yeesheen, ayaa si loo dhaqangeliyo heshiiska,  looguna biiriyo dhameystirka Dastuurka KMG ah, wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay heshiiskan mid guul u ah qaranka, dhabahana u xaaraya jiheynta mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Gashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo booqasho shaqo ku tegay xarunta Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo booqasho shaqo ku tegay xarunta Danab ee Gaalkacyo

August 18, 2026
Wasiir Cali Xoosh oo Shacabka Soomaaliyeed uga digay fatahaadaha laga cabsida qabo

Wasiir Cali Xoosh oo Shacabka Soomaaliyeed uga digay fatahaadaha laga cabsida qabo

August 18, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay, si loo helo hannaan caddaalad iyo garsoor madax-bannaan oo dalku yeesho la qaaday tallaabooyin dhowr ah, oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta Maxkamadaha, howlgelinta garsoore-yaal khibrad leh, isla markaana meesha laga saaray lacagihii sharci darrada ahaa ee lagu qaadi jiray waaxda Danbi Baarista ee CID.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dastuurka KMG ah, ayaa tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in la qabyotiro dastuurka, Xukuumadda DanQaran-na ay ka go’an tahay dhameystirkiisa, isla markaaana  tallaabooyin loo qaaday qodobada u baahnaa heshiis siyaasadeed.

Previous Post

Ciidamada Suudaan oo hakiyay ka qayb galka wada xaajoodka Jeddah

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isimada dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isimada dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isimada dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag "SAWIRRO"

Wasiirka Gashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo booqasho shaqo ku tegay xarunta Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo booqasho shaqo ku tegay xarunta Danab ee Gaalkacyo

August 18, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim...

Wasiir Cali Xoosh oo Shacabka Soomaaliyeed uga digay fatahaadaha laga cabsida qabo

Wasiir Cali Xoosh oo Shacabka Soomaaliyeed uga digay fatahaadaha laga cabsida qabo

August 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf (Cali Xoosh), ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay khatar la xiriirta...

Laba dhallinyaro xoolo-dhaqato ah oo Ruunirgood ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta

Laba dhallinyaro xoolo-dhaqato ah oo Ruunirgood ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta

August 18, 2026
0

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa 17-kii Agoosto 2026 degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay mid ka...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xooga saaraya xoojinta Xiriirkooda Laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xooga saaraya xoojinta Xiriirkooda Laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya

August 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In