Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo ay wehliyaan Wasiirada Gargaarka Dowlad Goboledyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Agaasimaha Gargaarka Gobolka Banaadir ayaa maanta Booqday Xarunta dhexe ee Wasaarada Gargaarka Dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Wasiirka Gargaarka Jubbaland Axmed Xasan Cumar iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda.
Mas’uuliyiintan ayaa kormeerey qeybaha Wasaaradda Gargaarka iyaga oo xarunta Wasaradda ku yeeshay kulan ay uga hadlayeen qaban-qaabada shirka madasha xiriirka arrimaha beni’aadannimada oo berri Kismaayo ka furmaya, kaas oo muhiim u ah dalka xilli meelaha qaar dalka abaaro iyo fatahaado ay ka jiraan.
Magaaladda Kismaayo waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu danbeysay shirkaan oo ay ka qeybgalayaan Wasiirada Gargaarka Dowlad Goboledyada, Wakiilo ka socda beesha caalamka, madaxda hay’adda maareynta Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale.