Monday, June 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka 5-aad kalfadhiga 3-aad ee Golaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 14, 2023
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka 5-aad kalfadhiga 3-aad ee Golaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 5-aad ee ajandihiisu ahaa hadal jeedinta warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka kulamadii aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS iyo akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka  Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, waxaana marka hore mooshin ku saabsan warbixin magalada Baraawe soo jeediyay 16 Xildhibaan, si loo qaboojiyo xiisadda colaadeed ee ka tagaan Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed. Waxaana uu Guddoomiye sheekh Aadan Madoobe sheegay in loo saari doono guddi warbixin ka soo diyaariya.

Related posts

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo hadal ka jeediyay fadhiga maanta ayuu kaga hadlay qodob muhiim ah oo ay ka mid yihiin in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka inta lagu guda jiro kalfadhigan 3-aad, waxaana uu sheegay in todobaadkan Gudigga Joogtada ay la shireen Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyagoo iska xog-wareystay wada-shaqeynta iyo sidii loo bilaabi lahaa kor joogteeynta iyo la xisaabtanka hay’adada dowladda, waxaana ay isla qaateen in Golaha Wasiirada mid mid  loogu yeero lana bilaabi doono todobaadyada soo aaddan su’aalooyina lagu weeydiin doono Golaha hortooda.

Dhanka kale fadhiga Golaha ayaa looga hadlay akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood dheer ka yeeshay xaquuqda dadka ka tirsan shaqaalaha dowladda marka ay howlgabka noqdaan.

 










Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka "SAWIRRO"

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

June 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali...

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

June 30, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In