Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo daah furtay wajiga labaad ee diyaarinta Istaraatijiyadda Warbaahinta Qaranka 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo daah furtay wajiga labaad ee diyaarinta Istaraatijiyadda Warbaahinta Qaranka 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo Daah furtay Wejiga Labaad ee Wadatashiga Diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka ee Warbaahinta iyo Wada-Xiriirka oo ay ka qeyb galayaan Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqankan iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mas’uuliyiin isagu jirtay Aggaasimeyaasha Guud, Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad Goballeedyada, Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Gobalka Banaadir, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha waaxyaha Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Khuburro fududeynaya shirka.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Shirka Wadatashiga,ayaa mas’uuliyiinta ka qeyb galaya ayay kaga doodayaan muhiimadda iyo Baahida loo qabo xafiiska mideynta Warbaahinta Dowladda si loo helo Xafiis loo dhanyahay oo ka shaqeeya fariimaha Dowliga ah oo sugan, xafiiskaasi oo loo soo gaabiyo GCO si looga baxo wararka ay baahinayaan xafiisyada hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir wararka iska hor imaanaya ee ka soo baxa xafiisyada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska,ayaa furay Wejiga Labaad ee Wadatashiga Diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka ee Warbaahinta Iyo Wada-xiriirka Dowlad Gobaleedyada Iyo Gobalka Banaadir.

Wasaaradda Warfaafinta oo kaashaneysa xafiisyada Wada-xiriirka ee hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir, ayaa wada dadaal lagu dhameystirayo istaraatiijiyaddan iyo xoojinta xafiiska isku xirka iyo mideynta Farriimaha dowladda heerarkooda kala duwan,si aysan u dhicin ismaan dhaaf la xariira warbaahinta dowladda.



















Previous Post

President Hassan Sheikh Meets Constitutional Committees to Advance Constitution Review Process

Next Post

Hay’adda Socdaalka oo ugu deeqday Ciidanka Xasilinta Caasimadda laba Neef oo Geel ah 

Next Post
Hay’adda Socdaalka oo ugu deeqday Ciidanka Xasilinta Caasimadda laba Neef oo Geel ah 

Hay'adda Socdaalka oo ugu deeqday Ciidanka Xasilinta Caasimadda laba Neef oo Geel ah 

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In