Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Safiirka dalka Qatar ee Soomaaliya Ambassador Abdolla Salem Al Nuaimi ayaa maanta xarunta dhexe Hay’adda SoDMA ka daahfuray masharuuca Udxiyada ee Soomaaliya, taas oo loo qeybin doono shacabka Soomaaliyeed ee danta yar oo ku nool gudaha Maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo safiirka Dalka Qatar ayaa xarunta Hay’adda ku yeeshay kulan gaar ah oo wax badan looga hadlay si gaar ah diirada lagu saaray Mashruuca Udxiyada oo ay fulineyso Xafiiska Hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya, kaas oo laga qaybin doono qaybo ka mid ah Maamul gobaleedyada iyo Gobalka Banadir, kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda gargaarka Gobalka Banadir.
Madaxa Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya Mudane Cabdifatax Aadam Macallim Aadaan oo ka warbixiyey masharuucaan ayaa sheegay in ay Ka faa’iideysan doonaan 169-kun oo qof oo ka mid ah dadka danta yar, agoonta iyo barakacayaasha kala duwan.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa sheegay in Gargaarkaan sidii loogu talagalay loo gaarsiin doono dadka danyaryar, Agoonta iyo barakacayaasha ka soo barakay Abaaraha, Fatahaadaha iyo Colaadaha.