Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Maanta shaqaale ka tirsan hay’adda SoDMA u furay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan hoggaanka Haweenka ee Hawlaha Beni’aadannimada, kaas oo socon doono muddo Afar Maalin ah.
Siminarkaan ayaa waxaa sare loogu qaadayaa fahamka shaqalaha Hay’adda ee ku aadan Hogaanka Haweenka ay ku leeyihiin arrimaha Beni’addannimada, kaas oo qayb ka ah tababarada kala duwan oo hay’adda u qorshaysan 2023, sarana loogu qaadayo guud ahaan aqoonta iyo waayo aragnimada shaqaalaha Hay’adda.
Tababarkaan waxaa ka taageeraya hay’adda mareeynta Musiiboyinka Qaranka hay’adda UNFPA, waxaana daahfurkiisa guddoomiye Maxamuud Macalim Cabdulle ku wehliyey mas’uuliyiin katirsan hay’adda SoDMA.