Saturday, June 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad lagu taageerayay horumarka Gaalkacyo oo lagu qabtay Nairobi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xaflad lagu taageerayay horumarka Gaalkacyo oo lagu qabtay Nairobi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad heerkeedu sareeyo oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyadda Galmudug  ee dalka Kenya oo lagu soo dhaweynayay Maayarka Magaalada Gaalkacyo mudane Cabdiraxmaan Sheekh  Xasan  sidoo kalana lagu taageerayay horumarka Degmada ayaa lagu qabtay Caasimadda Dalka Kenya ee Nairobi , waxaana ka qeyb galay Madax iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano,  Guddoomiyihii hore ee Gobalka Mudug Axmed  Bukhaari iyo  Maayarkii hore ee Gaalkacyo ee Puntland, Salaadiin,  culimo, ganacsato , haween iyo dhallinyaro.

Intii ay xafladdu socotay ayaa goobta lagu soo bandhigay Warbixin ka turjumaysa waxqabadka Maamulka Degmada Gaalkacyo intii uu xilka hayay Guddoomiye Cabdiraxmaan iyo hiigsiga Maamulka ee muddada ka harsan xil haynta Maamulka arintaas oo ay ka qeyb galayaashu aad usoo dhaweeyeen , isla goobtana ka balan qaadeen in ay intii karaankoodaa ka qeyb qaadan doonaan Mashaariicda horumarineed ee dhawaan laga hirgelinayo Gaalkacyo oo ay dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ugu horeeyaan.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Duqa Degmada Gaalkacyo oo ugu dambayn goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay Jaaliyadda reer Nairobi ee Galmudug oo kulankaan  soo agaasintay isagoo ku dheeraaday ka hadalka horumarada kala duwan ee hadda ka socda Gaalkacyo , caqabadaha wali jira iyo hiigsiga wanaagsan ee Maamulku leeyahay, wuxuuna Jaaliyadda waydiistay taageeero dhan kastaa in ay ka geystaan Horumarinta Gaalkacyo.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray Olole Indhafiiqis ah “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Next Post
Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In