Sunday, June 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 23, 2023
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka iyo waxa waxa uu yahay is-afgaradkii ay kala saxiixdeen labada dal.

Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan tegey dalka Ruushka ayaa magaalada Mascow kula kulmay Sergey Lavrov oo ah wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, waxayna labada wasiir ka wada hadleen arrimaha xoojinta xiriirka labada waddan, Deyn-cafinta, maaddama Ruushka uu ka mid yahay dalalka Deynta ugu badan ku leh Soomaaliya iyo in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025

” Raashiya waa tagnay aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo,waxaan la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, inaan tagno waxay ahayd waddanku waxayna leenahay xiriir diblomaasiyadeed, safiir ay leeyihiin baa ina cover-gareeya, safaaradda Raashka ee Jabuuti safiirka u jooga ayaa Soomaaliya safiir u ah, inagana safaarad ayaannu ku leenahay Ruushka, waan waddan ka mid ah shanta waddan ee awoodda ku leh security councilka, waa waddan aynu lahayn xiriir hore oo weyn inkastoo sanad-dahan dambe uusan active ahayn, ardayna inaga joogta sanad kastana ina siiya scholarship, waa waddan ka mid ah haddii uusan ahayn waddamada ugu badan ee deynta badan inagu leh ee hadda kala xaajooneyno in ay deynta naga cafiyaan, in nalaga qaado cunaqabateynta hubka, maaddaama ay na soo casuumeen inaan u tagno waanu ajiibnay waanu tagnay,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiir Huruuse ayaa sheegay inaanu u jirin warka heshiiska sida warbaahinta qaar u dhigeen, balse uu jiro heshiis ku kooban MOU oo ah iskaashiga xiriirka caalamiga ah, wuxuuna meesha ka saaray inuu jiro heshiis ciidan oo ay  Ruushka la galeen.

“Heshiiska ma jirto sida Medi-yuhu sheegay heshiis aanu galnay, heshiis ciidan,heshiis ganacsi iyo heshiis kale haba yaraatee,waxaannu saxiixnay MOU la yiraahdo Political consultation oo ah Standard caalami ah ama template lala galo waddan kasta oo ah macnaha iskaashiga, xiriiria caalamiga iyo wixii la mid ah oo caalami ah marka kaas ayuu ahaa, xiriirkeenuna waa xiriir wanaagsan,”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daddaalka xooggan ku bixineysa xoojinta xiriirka caalamiga ah ay Soomaaliya la leedahay dalalka intiisa kale.

Previous Post

Wasiirka Qorsheynta XFS oo Jabuuti kulamo mira dhal ah kula qaatay qaar ka mid mas’uuliyiinta dalkaas

Next Post

Military Court hears a murder case that started on TikTok

Next Post
Military Court hears a murder case that started on TikTok

Military Court hears a murder case that started on TikTok

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo...

Boqorka dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay boqorka dalkaasi

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHIO: Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalalka Scandanevian-ka Danjire Cabdikariim Axmed Maxamed ayaa warqadihiisa aqoonsiga waxaa ka guddoomay...

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay –...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In