Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharciga howlgabka Shaqaalaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharciga howlgabka Shaqaalaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa  kulan ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Kulanka oo ay shir Gudoominaysay Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi,oo ay wehlinayeen Xubnaha Guddiga ayaa ajendahiisu ahaa Wax-ka-bedelka Hindise-sharciyeedka Liiltirka iyo howlgabka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Intaa kadib, Xubnaha Guddiga ayaa ka dooday. Qodobada qaar, ee  ku jira Hindise-sharciyeedkan, ayagoo wax-ka-bedel ku sameeyay Cutubyo kamid ah, Cutub-yada Hindise-sharciyeedka Liiltirka iyo howlgabka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay inay sii wadayaan Akhrinta iyo wax-ka-bedelka Hindise-sharciyeedkan Maadama uu muhiim u yahay Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

Dhanka kale Guddoomiye Xildhibaan Nadra ayaa sheegtay Inay ka shaqeyn doonaan, ayna marsiin doonaan. dhamaan Hab-raacyada Hindise-sharciyeedka uu maro, si waafaqsan Dastuurka KMG ah iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka,  sida Dhageysiga Dadweynaha Akhrinta 2aad, 3aad  iyo Ansixintiisuba.




Previous Post

Xubnaha ka mid noqonaya Midowga Baarlamaaannada Ururka Iskaashiga Islaamka oo la magacaabay

Next Post

Wasiiro ka tirsan XFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay kulan wacyigelin bulsho

Next Post
Wasiiro ka tirsan XFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay kulan wacyigelin bulsho

Wasiiro ka tirsan XFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay kulan wacyigelin bulsho

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In