Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar ku saabsan kaalinta Haweenka ee Maamulka Warbaahinta oo ka furnay Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Tababar ku saabsan kaalinta Haweenka ee Maamulka Warbaahinta oo ka furnay Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Abshir Cabdi Shiikhoow ayaa  magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ka furay aqoon kororsi ku saabsan, kor u qaadidda kaalinta haweenka ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.

Tababarkan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal iyo dowlad goboleedka Galmudug, isla markaana ay ka faa’iideysanayaan 30 ka mid ah Wariyeyaasha dumarka ee ka howlgala Warbaahinta deegaannada Galmudug ayaa muddo seddex maalmood ah oo uu socon-doono, waxaa diiradda lagu saarayaa, kor u qaadidda doorka dumarka ku jira saxaafadda ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.

Related posts

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

July 14, 2026
42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

July 14, 2026

Agaasimaha Warbaahinta cusub, ahna isku duwaha Xafiiska mideynta farriimaha dowladda ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya mudane Cabdishakuur Cali Axmed oo sharxay ujeedka tababarka ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya uu yahay xaqiijinta iyo iftiiminta doorka haweenka Soomaaliyeed ee ka qayb-qaadashada maamulka hay’adaha Warbaahinta dalka.

Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Galmudug ee GALJA mudane Maxamed Baareey ayaa bogaadiyay tababarkan isaga oo u rajeeyay Wariyeyaasha fursadda u helay ka qayb galkiisa in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Mudane Abshir Cabdi Shiikhoow oo furay tababarka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal oo xusay in ay iska kaashadeen qabashada tababarkan si loo xoojiyo kaalinta gabadha Saxafiyiinta ah ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.

Munaasabadda furitaanka tababarkaan waxaa ka qayb galay, Wasiiro ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, madax ka socotay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Ururka Saxafiyiinta Galmudug ee GALJA.

Previous Post

Wasiiru-dowlaha Qorsheynta XFS oo bogaadiyey dadaallada lagu xaliyay khilaafaadka Gobolka Gedo

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Tanzania “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Tanzania “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Tanzania "SAWIRRO"

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

July 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa saraakiil ka socotay Dowlad Deegaanka Soomaalida ku wareejiyay laba nin oo ku...

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

July 14, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fiidkii duqeymo ka fuliyay deegaanka Goobo, oo qiyaastii 10...

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In