Monday, August 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay Madaxda Hay’adaha QM ee IOM, FAO iyo UNHABITAT

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 26, 2023
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay Madaxda Hay’adaha QM ee IOM, FAO iyo UNHABITAT
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayeen Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabisan FAO, IOM iyo UNHABITAT.

Wafdigaan oo ka koobnaa Wakiilka Hay’adaha IOM Frantz Celestin, Wakiilka FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo Madaxa Mashaariicda Hay’adda UNHABITAT Sebastian May oo ay wehliyeen Agaasimayaasha iyo hawlwadeennnada mashriicda kala duwan ay hay’adahaan ka fuliyaan deegaanada Hirshabeelle.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025
Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

August 11, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada, Agaasimeyaasha Hay’adaha Dowladda iyo la-taliyeyaal sare ayaa lagu soo bandhigay mashaariicda ay hay’adahaan ka fuliyaan Hirshabeelle, iyadoo lagu falanqeeyay baahiyaha ka jira deegaanada laga xoreeyay khawaarijta, saameynta taban ee biyo baxadu ku yeelatay dadka iyo deegeenka, horumarinta Kaabayaasha dhaqaale, u adkaysiga aafooyinka dabiiciga ah, harumarinta Magaalooyinka iyo Dowlad wanaagga.

Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee IOM, FOA iyo UNHABITAT garab istaagga ay siiyaan Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle, gaar ahaan ka jawaabista xaaladaha deg-degga, horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo maal-gelinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta, wuxuuna ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista wada shaqaynta si dadka loo gaarsiiyo adeegayada ay u bahan yihiin.

 










Previous Post

Wasiiro iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay saameynta Maandooriyaha

Next Post

Shirkad Gaalkacyo ka hirgelisay qalab ku shaqeynaya Ileyska Cadceedda (Solar system)

Next Post
Shirkad Gaalkacyo ka hirgelisay qalab ku shaqeynaya Ileyska Cadceedda (Solar system)

Shirkad Gaalkacyo ka hirgelisay qalab ku shaqeynaya Ileyska Cadceedda (Solar system)

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

August 11, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah waxay ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable...

Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)

Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)

August 11, 2025
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dhawaan gacanta ku dhigay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo bandhigay Hub, Saanad...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Daah-furay Dhisme Cusub oo Safaaradda Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Daah-furay Dhisme Cusub oo Safaaradda Aljeeriya

August 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliso Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In