Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa safar shaqo kuso gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Xildhibaanno ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Siyaasiyiin iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Wafdiga kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.