Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland ka furay aqoon kororsi ku saabsan, kor u qaadidda kaalinta haweenka ee maamulka hay’adaha warbaahinta.
Tababarkan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal iyo dowlad goboleedka Jubbaland, isla markaana ay ka faa’iideysanayaan 30 ka mid ah Wariyeyaasha dumarka ee ka howlgala warbaahinta deegaannada Jubbaland, ayaa muddo seddex maalmood ah oo uu socon-doono, waxaa diiradda lagu saarayaa, kor u qaadidda doorka dumarka ku jira saxaafadda ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.
Agaasimaha Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland sidii milgaha lahayd ee uu noogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.
Mahadcelin kadib Agaasime Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya uu yahay xaqiijinta iyo iftiiminta doorka haweenka Soomaaliyeed ee ka qayb-qaadashada maamulka hay’adaha Warbaahinta dalka.
Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Jubbaland ee (JAJ) mudane Khadar Imaan Dhaqane, ayaa bogaadiyay tababarkan, isagoo u rajeeyay Wariyeyaasha fursadda u helay ka qayb galkiisa in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan.
Xildhibaan Foos Cali Cabdiraxmaan oo ka mid ah Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale bogaadisay tababarkan iyo cidii soo abaabushayba, iyadoo xustay inay muhim u yihiin gabdhuhu Warbaahinta Hay’adaha Dowladda sidaas daraadeed laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin laa Aqoonta Gabdhaha Warbaahinta ka shaqeeya.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowlad Goboleedka Jubbaland, mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud oo furay tababarka, ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal oo uu xusay in ay iska kaashadeen qabashada tababarkan si loo xoojiyo kaalinta gabadha Saxafiyiinta ah ee maamulka hay’adaha Warbaahinta
Munaasabadda furitaanka tababarkaan ayaa waxaa ka qayb galay, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dowlad-goboleedka Jubbaland, madax ka socotay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta ururka Saxafiyiinta Jubbaland (JAJ).