Monday, May 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay Imtixaanka shahaadiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay Imtixaanka shahaadiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee sannad dugsiyeedka 2022/23, ayaa abaalmarinno guddoon siiyey qaar kamid ah ardeydii gashay kaalimaha hore.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan ardeyda imtixaanka gudubtay, gaar ahaan kuwooda ku jira 10ka kaalin ee muujiyey dadaalka dheeriga ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dal uusan horumar gaari karin, haddii uusan kor u qaadin aqoonta dadkiisa, si taas loo xaqiijiyana ay Xukuumadda DanQaran howlgelisay saddex kun oo macallimiin ah oo bilow u ah Qorshaha Qaran ee dib loogu soo nooleynayo waxbarashadii dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo cid walba oo door ka qaatay  qabsoomidda imtixaankan oo sannadkii sagaalaad oo xiriir ah ay qaadeyso dowladdu.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa mar kale ku celiyey baaqiisii la xiriiray in la banneeyo xarumaha danta guud ee ay deggan yihiin shacabka, gaar ahaan kuwa ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada, si wax loogu baro ubadka Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhibane Macalin Cali Maxamuud oo caafimaad dibadda ah loo qaaday “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si KMG ah ugu shaqeynaya magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si KMG ah ugu shaqeynaya magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si KMG ah ugu shaqeynaya magaalada Dhuusamareeb "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka...

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026
0

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda...

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

May 3, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Haadow, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada...

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In