Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Hambalyo u dirtay ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda Gabdhaha ah ee kaalimaha hore ka galay Fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2023-ka.
Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin ayaa gabdhaha Soomaaliyeed ku amaantay dadaalkooda ku aaddan horumarinta Bulshada oo ay ugu horeyso Waxbarashada dalka oo kaalimo waaweyn ka galay, taas oo udub dhexaad u ah Hooyooyinka Soomaaliyeed oo dhabarka u xirtay ka mira-dhalinta jiil aqoon leh oo maskax furan.