Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku faah-faahiyay cabashooyinka dhul-cinta ah

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku faah-faahiyay cabashooyinka dhul-cinta ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar, ayaa ka hadlay dhacdooyin dhulka la xariira oo maalmihii la soo dhaafay ka taagan Caasimadda.

Guddoomiye (Madaale) ayaa Ugu horeyn ka hadlay dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne, oo uu sheegay in dhulkaa uu lahaa Talyaaniga, ayna hadda soo dalbaday safaaradda dalkaas, isla-markaana ay rabto inay ku shaqeyso dhulkaasi.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

“Arrinta Kaasa Italia sida aan la socono waxaa iska leh Taliyaaniga safaaradda Talyaaniga warqadda ay soo dirtay waa taas, sidaas darteed waxay dalbadeen in loo banneeyo, marka Kaasa Italia shaqsina ma laheyn cid gaar ah oo laheydna ma jirto” Ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa  kale uu Guddoomiyaha ka  hadlay  muran dhul oo isna ka socda deegaanka Gubadley iyo Xaafadda Waxar-Cadde , isaga oo sheegay inay la socdaan qaylo dhaanta kasoo yeertay dhulalkaasi, wuxuuna xusay in qof welba oo cabasho ah uu caddaalada u doonto garsoorka.

Sidoo kale waxa u sheegay Guddoomiyah in maamulka uu sameeyay xafiis u gaar ah cabashooyinka cidii cabasha qabataana ay tahay in ay la xariirto si loo dhageysto.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Dhulka Warshadda Isbuunyada ee ku dhow xeydaabka garoonka Aadan Cadde, halkaa oo dadkii daganaa laga raray,isagoo sheegay in warqayad ay usoo diray hay’adda duulista rayidka ah, isla-markaana ay dalbaday in halis amni ay uga imaan karto halkaasi, kadibna uu amray in laga raro barakacayaasha lana dajiyo meel kale balse uusan ka jirin waxa dhul boob ah.

Previous Post

Maxkamadda gobolka Banaadir oo u farriistay mar kale dad ku Eedaysan musuq

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay ku-xigeenka Ergeyga QM Soomaaliya 

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay ku-xigeenka Ergeyga QM Soomaaliya 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay ku-xigeenka Ergeyga QM Soomaaliya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In