Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Ururka Caafimaadka Adduunka, Fayraska Corona ayaa ku sii fidaya qeybo ka mid ah Caalamka, in ka badan Hal milyan oo xaalado cusub uu sababay xanuunka Covid-19 ah, ayaa laga diwaan galyay qaar ka mid ah dalalka caalamka 28-kii maalmood ee la soo dhaafay.
Sidokale, dad ka badan 3,100 ayaa u geeriyooday xanuunkan intii ay socotay barista, sida lagu sheegay Warbixinta.
Khubarada caafimaadka adduunka ayaa ka walaacsan dib u soo cusboonaashada Fayraskan oo loo yaqaanna “EG.5”, kaas oo ah mid halis badan ku haya dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Britain, sida ulagu daabacay Washington Post.