Sunday, July 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka XFS òo la wareegtay mas’uuliyadda sanadka tababarka ah ee ardayda Caafimaadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 12, 2023
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka XFS òo la wareegtay mas’uuliyadda sanadka tababarka ah ee ardayda Caafimaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku qabsoomay kulan  lagu go’aamiyay in Wasaaradda Caafimaadka ay la wareegtay mas’uuliyadda Barnaamijka sanadka tababarka ah ee ay ardayda Caafimaadka maraan (internship year), iyadoo Wasaaraddu bixin doonto shahaadada Internshipka, kulankaas oo ay kasoo qeyb galeen Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare, Agaasimayaasha Isbitaalada danta guud, Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, howl wadeenada iyo lataliyaasha Wasaarada caafimaadka.

kulanka waxaa shir guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam waxa uuna sheegey in ay muhiimad gaar ah u leedahay mideynta iyo isku duwida barnaamijka internshipka, waxaa uu sidoo kale sheegay in la sameyn doono manhaj loogu talo galay sara u qaadidda aqoonta ardayda maraysa internshipka ,wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Ardayda dhameysato sanadka tababarka ah kana gudubto Imtixaanka ay Wasaarada diyaarisay ay siin doonaan internship certificate, Wasiirka ayaa si lamid ah sheegay in ay qorsheenayaan in Ardayda loo kala diri doono gobalada dalka si ay ugu soo qaataan internshipka.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo xafiiskeeda ku qaabishay wafdi ka socda UN-WOMAN

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo xafiiskeeda ku qaabishay wafdi ka socda UN-WOMAN

July 27, 2025
Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya

July 27, 2025

Dr Maxamed Maxamuud Biday oo ah Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweynayaan isla markaana garab istaagayaan la wareegidda Wasaaradda caafimaadka ee barnaamijka sanadka tababarka ah ee ay ardayda caafimaadka maraan (internship year), wuxuu sidoo kale adkeeyay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasaarada si loo hergeliyo howshan muhiimka ah, profka ayaa soo dhaweeyay in ardayda looga faa’iideysto isbitaalada kuyaala gobolada dalka .

Agaasimaha Hidaha iyo tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashadda mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in hadda kadib Tasdiiqinta shahaadooyinka Ardayda ka qalin jabisay kuliyadaha Caafimaadka ee Jaamacadaha dalka lagu xiri doono shardi ah in ay la yimaadaan shahaadada Internshipka Wasaaradda Caafimaadka, agaasimaha ayaa cadeeyey in ay taageerayaan howshan ay Wasaaradda caafimaadka la wareegtay isla markaana kala shaqeynayaan  habeynta manhajka caafimaadka dalka ee ay Jaamacadaha bixiyaan.

Dr Cabdirisaaq Jalaludin agaasimaha Isbitaal Martiini iyo Dr Fartuun Shariif agaasimaha Isbitaalka Banaadir ayaa sidoo kale sheegey in ay arrinta si wadajir ah ugu shaqeyn doonaan isla markaana diiradda ay saari doonaan qodobada muhiimka ah ee kasoo baxay kulankan.

Dhankiisa Dr Cabdirisaaq Axmed Wayel madaxa Tababarada iyo internshp-ka Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in ay diyaariyeen habraacyo mideysan oo ay dhamaan ardayda internshipka maraysa ku howl gali doonaan, sidoo kale wuxuu sheegay in isbitaalada lagu sameynayo internshipka loo sameyn doono criteria lagu xulan doono, Dr Abdirizak ayaa sheegay in ardayda ay u sameyn doonaa tababar joogta ah xiliga lagu jiro internshipka iyadoo lagu tababari doona habraacyada wadanka uu leeyahay ee quseeya daweynta iyo ka hortaga cudurada.

Ugu danbeyn Wasiir Cali Xaaji ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku biirtay heshiiska Human Capital Development, taasoo looga gol leeyahay in sara loogu qaado xirfadda Bahweynta Caafimaadja,  si taasi u suurtagashana ay  Wasaaraddu qorsheyneyso dhisidda Xarun lagu sameeyo tababarada caafimaad.

 









Previous Post

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo la shiray Wasiirka Maaliyadda iyo Hantidhowraha Qaranka

Next Post

Labo eedeysane oo la soo taagay Maxkamadda darajada koowaad ee Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Next Post
Labo eedeysane oo la soo taagay Maxkamadda darajada koowaad ee Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Labo eedeysane oo la soo taagay Maxkamadda darajada koowaad ee Gobalka Mudug "SAWIRRO"

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo xafiiskeeda ku qaabishay wafdi ka socda UN-WOMAN

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo xafiiskeeda ku qaabishay wafdi ka socda UN-WOMAN

July 27, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wafdi ka socda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya

July 27, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo...

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

July 27, 2025
0

Ciidanka gaar ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ay ka fuliyeen gobolka Baay ku dilay Horjooge katirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga oo howlgal ay ka fuliyeen gobolka Baay ku dilay Horjooge katirsan khawaarijta

July 27, 2025
0

Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Durduro ee gobolka Baay oo hoos...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In