Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Caasimadda Dhusamareeb ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Magatte Guisse oo ah u qaabilsanaha UNHCR ee Soomaaliya oo maanta gaaray Galmudug.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Hayโadda Qaxootiga Qaranka, Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Gudoomiyaha Hayโadda Qaxootiga Galmudug iyo xubno ka socday Hayโadda OCHA.
Kulanka ayaa looga hadlay xal u helidda barakacayaasha gudaha deegaannada Galmudug iyo Barnaamijka Xasilinta Galmudug.