Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dabka xooggan oo ka kacay Suuqa Wajaale oo lagu guuleystay damintiisa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Dabka xooggan oo ka kacay Suuqa Wajaale oo lagu guuleystay damintiisa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dab fiidnimadii xalay ka kacay Suuqa Ganacsiga ee Degamada Tog-Wajaale oo ku taala xadka u dhaxeeya maamulka Somaliland ee Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Dabka ayaa ku fiday guud ahaan Suuqa Wajaale, waxaana halkaas ku basbeelay qaar ka mid ah goobihii ganacsiga, ka hor inta aysan gaarin gawaarida dabdamiska Somaliland iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida, kuwaas oo kala tagay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga.

Taliyaha Ciidama dabdamiska maamulka Somaliland Axmed Sawaaxili oo warbaahinta kula hadlay Suuqa gubtay ee Wajaale ayaa ka warbixiyey khaasaaraha ka dhashay dabka iyo sababta keentay in uu dabka ku fido Suuqa kaas oo keentay in goobo ganacsi ay basbeelaan.

Ugu horreyn Taliyaha oo ka hadlaya sababta keentay in uu dabka fido ayaa yiri, “dabka xoogiisa aad buu u fara badnaa, waxaa fara badinaaya dadku garan maayaan, jiingada ay kor ka saarayaan goobaha ganacsi ayaa keentay in dabeeshu soo qabato dabkuna uu sidaas ku fido.”

Dabka oo xalay xilli dambe lagu guuleystay in la damiyo ayaa weli waxaa la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee dabka ka dhashay, laamaha Amniga iyo kuwa maamulka ayaana wali ka hadlin markii laga tago Taliyaha dabdamiska Ciidamada Somaliland.

Previous Post

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Baarlamaannada Dhallinyarada Adduunka

Next Post

Ra”iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Maraykanka

Next Post
Ra”iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Maraykanka

Ra”iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Maraykanka

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In