Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Morocco uga qeybgalaya shir Caalami ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS “Soomaaliya waxa ay ka gudubtay sharuudihii laga rabay ee hannaanka Deyn-cafinta”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Maraakish ee dalka Boqortooyada Morocco.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa dalka Boqortooyada Morocco uga qeyb galaya shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta IMF, kaas oo socon doona muddo todobaad ah.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

Mudane Biixi Iimaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, oo la hadlay Warbaahinta ayaa uga warbixiyey qodobada sanadkaan looga hadlaya shirka, isaga oo sheegay in sanadkaan looga hadlaya sidii kor loogu qaadi lahaa habka ay u shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo IMF.

“Soomaaliya waxa ay qeyb weyn ka tahay dadaallada ay wadaan dalalka soo koraya, kuwaas oo doonaya in dib loo qaabeeyo Bangiga Adduunka, doorweyn baynu ku leenahay, afkaarteyna iyo fikradahayna way ka dhex muuqdaan doodaha ka dhacaya dalka Marooko,” sida uu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa inta uu socdo shirka waxa uu kulamo gaar ah la yeeshay madaxda ugu sarreysa Bangiga Adduunka iyo IMF, isaga oo kala hadlay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliye oo heer gabagaba ah maraya iyo dib u qaabeynta dhaqaalaha dalka.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud Q.M ee Soomaaliya

Next Post

/W Ku-xigeenka Dalka iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda oo ka wada hadlay ciribtirka Khawaarijta

Next Post
/W Ku-xigeenka Dalka iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda oo ka wada hadlay ciribtirka Khawaarijta

/W Ku-xigeenka Dalka iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda oo ka wada hadlay ciribtirka Khawaarijta

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In