Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada XFS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada XFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardargelinta qorsheyaasha hortebinta u leh Xukuumadda ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaariijta Al shabaab.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo Golaha uga warbixiyay halganka uu hoggaaminayo ee khawaarijta looga sifeeynayo deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka ayaa tilmaamay in hawlgallada ka dhanka ah Khawaariijta uu marayo heer gebagebo ah, isagoo ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qalabka Sida oo si naf hurnima leh uga adkaaday Cadowga argagixiasada ah.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Sidoo  kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Golaha ku dhiirageliyey dadaalladda ay ku bixinayaan dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhameystirka xeerarka muhiimka u ah dowlad dhiska iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.

Dhanka kale, Madaxwrynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qayb galay Olale  dhiig loogu shubayo  ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta, kaasi oo loo dhigayo Banngiga keeydka, waxaana kulankan soo abaabuulay dhalilnyarada Soomaaliyeed oo qayb ka ah kacdoonka ciribtirka Khawaarijta.

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo xariga ka jaray mashruuca laga hirgeliyey Dagmada Ceelguula

Next Post

R/W Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Maalinta Calanka

Next Post
R/W Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Maalinta Calanka

R/W Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Maalinta Calanka

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In