Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda iyo Ku Xigeennadiisa.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa soo dhaweeyey doorashadii Golaha Deegaanka ee ka dhacday Degmada Jowhar, taas oo lagu doortay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Jowhar ahna Duqa Caasimadda iyo Labadiisa Ku Xigeen.
Mudane Cali Guudlaawe ayaa u hambalyeeyey dhamaan Masuuliyiintii ku soo baxday doorashada, isagoo sidoo kale bogaadiyay hanaanka doorashadii ka dhacay Magaalada Jowhar.
Caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar ayaa yeelatay Gole Deegaan 30 sano ka dib, taas oo muujineysa in Dowladd Gobolleedka Hirshabeelle ay ka go’an tahay dhameystirka iyo Maamul u dhisidda dhamaan Degmooyinka Hirshabeelle.