Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dheegay in ay heleen labo fariin oo muhiim, kuwaas oo ka yimid shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, fariimahaas oo kale ah in wax laga qabto daadadka ka dhashay roobabka ka da’ay magaalada ee xiray waddooyinka qaar iyo in la qaado dhagaxyada lagu jaray waddooyinka, kuwaas oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, maaddaama amniga magaalada Muqdisho uu soo hagaagay.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaare Xamsa ayaa sheegay in daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee dalka ka da’ay ay dhibaato u geysteen dad ka badan nus milyan, kuwaas oo ka barakacay guryihii ay ku noolaayeen.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Wuxuu amray ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaannada ay saameeyeen roobabka in ay si deg deg ah uga qeyb qaataan gurmadka dadka nugul ee waayeelka, haweenka iyo carruurta isugu jira.

“Ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan ee ku sugan deegaannada ay saamaysay roobabka waa inay si degdeg ah qayb uga qaataan gurmadka dadka nugul ee waayeelka iyo caruurta isugu jira”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan gelisay sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee guryahooda uga barakacay daadadka iyo sidii loo badbaadin lahaa kuwa ku xaniban biyaha.

Previous Post

Ciidamada Xoogga Dalka oo Horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta ku dilay Degmada Ceeldheer

Next Post

Imam Maxamed Ashafa oo muxaadaro ka hadlaysa Nabadda u jeediyay shacabka Gaalkacyo

Next Post
Imam Maxamed Ashafa oo muxaadaro ka hadlaysa Nabadda u jeediyay shacabka Gaalkacyo

Imam Maxamed Ashafa oo muxaadaro ka hadlaysa Nabadda u jeediyay shacabka Gaalkacyo

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In