Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo xoojinaysa dadaalada gurmadka fatahaadaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo xoojinaysa dadaalada gurmadka fatahaadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey midaynta hawlaha gargaarka ee loogu gurmanayo degmooyinka iyo deegaannada ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka lixaadka leh ee ka dhashay roobka Dayrta.

Kulanka oo ka dhacay xarunta hay’adda maaraynta musiibooyinka ee SoDMA ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta hay’adda iyo guddi matalaya bulshada gobolka Gedo oo fatahaaddu saamaysay, ayna hormuud ka yihiin Wasiirro heer Federaal ah, kuwa heer dawlad goboleed ah, siyaasiyiiin iyo samafayaal ka tirsan Hey’adda Alraxma.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Xubno ka tirsan guddiga bulshada gobolka Gedo ee isku xilqaamey wax ka qabashada fatahaadaha gobolkaas ku dhuftey ayaa sheegey in ay diyaariyeen illaa iyo hadda 7-doomood oo taalla Muqdisho iyo gurmad kale, ayna gacan uga rabaan dawladda sidii halkaas lagu gaarsiin lahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa guddiga gobolka Gedo uga mahadceliyey dadaalkooda, wuxuuna soo dhoweeyey wada shaqayn dhow iyo isku xirnaan dhexmarta dadaalada bulshadu ay waddo iyo kuwa dawladda federaalka ah ay hormuudka u tahay taasoo wadajirkeeda ay ku badbaadi doonaan dad badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna bulshada kale ee Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka malyanka kor u dhaafay ee ku barakacey fatahaadaha.

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tegay Dalka Burundi

Next Post

Hay’adda SoDMA oo shaacisay in qasaaraha dhimashada fatahaaduhu ay korortay

Next Post
Hay’adda SoDMA oo shaacisay in qasaaraha dhimashada fatahaaduhu ay korortay

Hay’adda SoDMA oo shaacisay in qasaaraha dhimashada fatahaaduhu ay korortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In