Wednesday, August 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas ku go’doonsan xaafadaha Baladweyne oo xaalad adag wajahaya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 18, 2023
in Wararka
0
Qoysas ku go’doonsan xaafadaha Baladweyne oo xaalad adag wajahaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waaa mid ka mid ah meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka roobabka, waanna badweyn gudaheeda markaad eegto biyaha wada gaaray.

Xaafadda kooshin gaar ahaan waddada labaad ee halbowlaha u ah magaalada Baladweyne, waxaa soo maciin biday qoysas ay fatahaaddu ka soo barakicisay guryahooda, waa go’doon, malahan meel ay degaan, waxay baco ku xirteen biyaha dhexdooda, sariiro ay dhigteen oo ay ku jiiftaan, waxaana sariiraha hoostooda maraya, sida muuqaalka idin kaga muuqda biyaha ka soo fatahay wabiga Shabeelle.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

August 20, 2025

Daruufo adag ayaa hayso qoysaskan oo ay ka mid yihiin hooy, hu’ iyo hunguri ay cunaan, warbaahinta qaranka oo booqatay goobaha ay qoysaskan ku dhaqan yihiin ayaa lagu arkayaa carruur ku jiifa sariir hoostooda ay biyo marayaan.

Cabdi-Shimaale oo ka mid ah qoysaskan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheeegay in aysan haysan hooy ay ka galaan dhaxanta iyo wax kasta oo dhib u keeni kara noloshooda, waxayna bannaakaas ay ku sugan yihiin marti ugu yihiin roob habeen iyo maalin kala joogsi lahayn oo korkooda ku bilowda kuna dhammaada, wuxuuna baaq u diray Dowladda federaalka iyo hay’adaha gargaarka in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah.

“Istaagga ayuu waaga noogu baryay, wuxuu ilaahey keennay waa ku shukrineynaa, marka hay’adaha gargaarka bixiya waxaan ka filaneynaa kheyr, Dowladda Hirshabeelle sidoo kale, waxaa ka filaneynaa in ay wax u qabato ummaddan,” ayuu yiri Cabdi-shimaale oo ka mid ah qoysaska ay saameynta ku yeesheen daadadka El-Nino.

Sannadihii ugu dambeeyay shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne waxay dhibane u ahaayeen daadadka soo noq-noqday ee wabiga Shabeelle,qaraxyo murugo reebay oo ay geysteen argagixisada iyo daadadka ka dhashay roobabkii da’ay, kuwaas oo dhibaatooyinka kala duwan u geystay shacabka.

Daadadka Baladweyne ku dhuftay ayaa wali biyiha ay sababeen ka buuxaan magaalada, roobabka oo aan wali kala joogsan ayay sheegeen dadka aar inaysan rajo ka qabin inay dhawaan ku laaban doonaan hoygoodii.

Previous Post

Madaxweynaha KGS oo kulan la qaatay Guddiga Xirriirka dowladaha Xubnaha ka ah DF ee Aqalka Sare

Next Post

Madaxda Isbitaalka Madiina oo agab kala duwan ku wareejisay Hay’adda SoDMA

Next Post
Madaxda Isbitaalka Madiina oo agab kala duwan ku wareejisay Hay’adda SoDMA

Madaxda Isbitaalka Madiina oo agab kala duwan ku wareejisay Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

August 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cumar Cali Afrax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda...

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay...

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

August 20, 2025
0

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo tartanka sannadlaha ah ee Lady Justice Joyce Aluoch International Intervarsity ADR...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In