Saturday, June 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wadatashiga adeegyada caafimaadka oo lagu qabtay Addis Ababa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Shirka Wadatashiga adeegyada caafimaadka oo lagu qabtay Addis Ababa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka wadatashiga adeegyada Caafimadka, degaan siinta, dejinta iyo shaqo u abuurista qaxootiga, barakacayasha iyo bulshooyinka kale ee magan galyo siyaasadeed u yimaada Soomaaliya iyo dalalka deriska ah oo ay kasoo qayb galeen Sideedda wadan ee IGAD ku midoobay iyo bulshada caalamka sida (EU, WB, CSOs & private sector organizations).

Wasaarada Caafimaadka Federalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha xubnaha ka aha Federaalka oo adeegyo caafimaad u sameya dad ka badan 1 malyan iyo 600 oo kun oo barakacayaal iyo qaxooti ah ayaa ka qayb gashay shir caalami ah oo ay iskugu yimaadeen dalalka IGAD iyo bulshada caalamka iyo  wasaarado kale oo ka socdo dowlada federalka Somaliya.

Related posts

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

June 20, 2026
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo kulan ka yeeshay xaaladda bani’aadantinimo ee ka taagan gobolka Baay

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo kulan ka yeeshay xaaladda bani’aadantinimo ee ka taagan gobolka Baay

June 20, 2026

Iyada oo la eegayo duruufaha iyo xaaladaha dagaalada argagixisada iyo khilaafka ka jira wadamada IGAD sida Sudan iyo Soomaaliya, abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda oo ay keeneen cimilo isbadalka aduunka ka socda iyo saamayntooda ay sababeen sida barakacayaal iyo qaxootiyada, Dawlada Soomaaliya waxay IGAD ku amaantay magan galyo siinta qaxootyada iyo barakacayaasha dalka Soomaaliya soo galay iyo adeegyada caafimadka dowlada Soomaaliya u fidisay qaxootiyadaas iyo barakacayaashaas.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay ku dartay qorshaha siyaasadda caafimadka 5ta sano ee soo socota adeegyo caafimad in loo fidiyo qaxootiyada iyo barkacayaasha iyo in kor loo qaado xaalada nafaqaynta caruurta barakacayaasha iyo qaxootiga iyo inay helaan biyo nadiif ah iyo adeegyo fayodhowr dhameystiran. Wasaarada waxay samaysay madax qaybeed u qaabilsan arrimaha caafimadka barakcayasha iyo qaxootiga si ay u fuliso siyaasadahaas.

Dr Sacdiya Maxamed Macalim oo ah madaxa Barnaamijka adeegyada cafimadka barkacayaasha iyo qaxootiga ayaa shirkaas ku matalaysay Wasaaradda caafimadka Soomaaliya oo socday 4 maalmood halkaas oo lagu soo diyaariyey qorshihii horumarinta adeegyada barakacayaasha iyo qaxootiga.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah ka guddoomay Hay’adda IHH

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo si rasmi ah u furay daah-furka Farta Maayga “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo si rasmi ah u furay daah-furka Farta Maayga “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo si rasmi ah u furay daah-furka Farta Maayga "SAWIRRO"

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga furmaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare,...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo kulan ka yeeshay xaaladda bani’aadantinimo ee ka taagan gobolka Baay

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo kulan ka yeeshay xaaladda bani’aadantinimo ee ka taagan gobolka Baay

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xalay hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 2-aad ee Hoggaamiyeyaasha Garsoorka...

Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ka qayb galay kulan aqoon iswaydaarsi lagu soo qabtay Kenya

Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ka qayb galay kulan aqoon iswaydaarsi lagu soo qabtay Kenya

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa soo gabagabeeyey barnaamij is-weydaarsi aqooneed oo socday muddo toddobaad ah,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In