Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada 1aad ee Qaranka oo deeq raashin nafaqeysan guddoonsiisay Gabdhaha Agoonta ee Boondheere

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Marwada 1aad ee Qaranka oo deeq raashin nafaqeysan guddoonsiisay Gabdhaha Agoonta ee Boondheere
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada 1aad ee Qaranka Marwo Qamar Cali Cumar iyo Wasiiru-dowlaha Caafimaadka Dr. Maryan Maxamed Xuseen oo uu wehelinayay Mudane Cabdala Sucuud Kuxigeenka Maamulaha Xafiiska Markazka Bin Salmaan iyo Omar Ibrahim Lataliyaha Arimaha Carabta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha JFS ayaa maanta Booqasho ku tagay Dugsiga Xanaanada Gabdhaha Agoonta ah ee Boondheere.

Wafdiga oo ay hogaaminaysay Marwada 1aad ee Qaranka ayaa xarunta xannaanada guddoonsiisay deeq raashin nafaqeysan kaasoo loogu talagay quudinta hablaha Agoonta.

Related posts

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026

Dugsiga Xanaanada Gabdhaha Agoonta ah ee Boondheere ayaa waxaa hadda wax kabarta 1280 gabdhood oo agoon ah kuwaas wax ku barta xarunta xanaanada agoonta ee Dagmada Boondheere.

Marwada Madaxweynaha oo lahadashay maamulka xarunta agoonta ayaa Maamulka uga mahadcelisay barbaarinta iyo waxbarashada uu dugsigu u fidiyo hablaha agoonta ah. Iyadoo tiri “Dhammaantood waxay mudanyihiin fursad ay wax ku bartaan oo ay ku guulaysataan, waxaan rabaa inaad ogaataan in aan u heellannahay taageeridda waxbarashadooda si ay u helaan mustaqbal wanaagsan “.

Wasiiru-dowlaha wasaarada caafimaadka ayaa sidoo kale dhankeeda bogaadisay shaqada wacan ee uu Dugsiga u qabto hablaha Agoota ah iyadoo dhankeeda ballanqaaday inay ka taageeri doonaan dhanka caafimaadka iyo fursado wabarasho oo caafimaadka la xiriira.

Mudane Cabdala Sucuud Kuxigeenka Maamulaha Xafiiska Markazka Bin Salmaan oo ku hadlay magaca Hay’adda Bin Salmaan ayaa balaqaaday inay sii wadi doonaan taageetada xanaanada agoonta ee Dagmada Boondheere.

 

 

Previous Post

Guddiga Maalgashiga Golaha shacabka oo Su’aalo weydiiyay Madaxda Wasaaradda Qorsheynta

Next Post

Maxkamadda Gobalka Banaadir oo u fariisatay dhagaysiga dacwad la xariirto Musuq-maasuq 

Next Post
Maxkamadda Gobalka Banaadir oo u fariisatay dhagaysiga dacwad la xariirto Musuq-maasuq 

Maxkamadda Gobalka Banaadir oo u fariisatay dhagaysiga dacwad la xariirto Musuq-maasuq 

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
0

Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka...

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026
0

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐣𝐢...

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In