Tuesday, June 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 7, 2024
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in xadgudubka Ethiopia ee badda Soomaaliya aan la aqbali karin, isla markaana aysan Soomaaliya diyaar u ahayn wadahadal ilaa iyo xukuumadda Addis Ababa ka laabato is afgaradka sharci daradda ah ee ay la gashay gobolka Somaliland ee Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kooxda kubadda cagta ee Galmudug guddoonsiiyay koobka tartanka dowlad goboleedyada ee dhowaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

3- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan la yeeshay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida ayaa kala hadlay dagaalka khawaarijta iyo ka hortagga dambiyada abaabulan ee ka dhanka rayidka.

4- Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimaha amniga, qorshaha la dagaallanka Khawaarijta iyo ka mira dhalinta siyaasadda loo dhan-yahay.

5- Ra’iisul Wasaare Ku-Xgeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ku-Xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay kulanka siyaasadda loo dhan yahay ee u dhexeeya xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo saaxibbada caalamiga ah ee Soomaaliya.

7- Ku-Simaha Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali karin xadgudubka qaranimada Soomaaliya ee ay Ethiopia ku dhaqaaqdey.

8- Kulamo isdabajoog ah oo looga soo horjeedo xadgudubka Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya oo weli ka socda dalka gudihiisa iyo dibeddiisa.

9- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Britain ayaa magaalada London ku qabtey qabtay mudaharaad ay ku diiddan yihiin xadgudubka Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

10- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane, Ahmed Moallim Fiqi ayaa Muqdisho ka daahfuray kulan ku saabsan wadatashiga, naqshadeynta iyo dib-u-eegista Hannaanka Qaran ee Wadajir.

11- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wasiirrada maaliyadda ee dowlad goboleedyada dalka ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo fogaan arag ah, kaas oo looga hadley hawlaha qaran ee horyaalla.

12- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya kaga qayb galey shirka wasiirrada difaaaca ee waddamada ku bahoobey Isbaheysiga Militeriga ee La-dagaalanka Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo Golaha Shacabka horgeeyey hindise sharciyeedka dad-dhigista.

14- Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka, ayaa u yeeray Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley).

15- Ciidanka amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid Cali Macalin oo xaaskiisa ku dilay Muqdisho, markii uu dab qabadsiiyay.

16- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa magaalada Kampala kula kulmay Taliyaha Ciidamada Milateriga Uganda General Wilson Mbadi.

17- Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa soo qabtey horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Daqare) oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab, isla markaana ka mid ahaa la-taliyeyaasha Horjooga Al Shabaab, Axmed Diiriye.

18- Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaannada Jacar iyo Garab la’ oo ka tirsan gobalka Galgaduud ayaa lagu burburiyay xarun ay Khawaarijtu ku keydsan jirtay hubka.

19- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday adeegsiga bacaha oo khatar ku ah degaanka.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliya Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku-Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Soomaaliya George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan diiradda lagu saarayay saamayntii ka dhalatay masiibadii El Nino.

21- Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa magaalada Nairobi uga qeyb gashay shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta jawiga maalgashiga iyo xoojinta dhaqaalaha qaxootiga ee soo laabtay.

22- Raktarka Jaamacadda Ummadda iyo safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay wada shaqeynta hey’adaha waxbarashada.

23- Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshaha qeybta basaasiinta ee maleeshiyada Khawaarijta Al Shabaab.

24- Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu baacsanayo Khawaarijta Al Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan HirShabeelle.

25- Gudoomiyaha Ururka Caalamiga ee Culimada Muslimiinta Sheekh Cali Muxyidiin Al-Qaradaaghi, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, waxa uuna kulummo la qaadanayaa, masuuliyiinta iyo culumada diinta.

26- Maxkamadda Racfaanka oo mar kale dhageysaneysa dacwad la xariirta musuq-maasuq oo ,oo haysta mas’uuliyiin ka tirsanaa hay’adaha dowladda.

27- Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyay degaano ku yaalla bariga gobolka Galgaduud.

28- Booliska Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyey in ugu dambeyn laga guuro dhulkii Laanta Dab Damiska iyo Hoggaanka Dhismaha Booliska oo ku yaalla xaafadda Say-Biyaano ee magaalada Muqdisho.

 



Previous Post

Guddiga Maaliyadda BJFS oo kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda “SAWIRRO”

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In