Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dr Guuleed Cabdijaliil oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Dr Guuleed Cabdijaliil oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil oo uu wehliyo agaasimaha waaxda Shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Xuseen Calasow isla markaana Safar shaqo mudo labo maalin ah u joogey dalka Finland ayaa kulamo wax ku ool ah la qaatey Agaasimaha xigeenka Afrika ee Wasaaradda Arimaha Dibada ee dalka Finlnad Markus Heydemann, Madaxa geeska Afrika ee Wasaaradda Arimaha Dibada Finland Elina Saaristo-Diatta, Madaxa IOM Soomaaliya Frantz Celestin iyo Tobias van Treeck Madaxa IOM ee dalka Finland.

Kulamada kala duwan ayaa ahaa inta badan kulamo daarnaa horumarinta Caafimaadka Soomaaliya iyo sidii dalkeenu u heli lahaa nidaam Caafimaad oo dhameystiran kana xoog badan midka aan hadda heysano si loo xaqiijiyo yoolka Dowladda ee ku aadan horumarinta Caafimaadka Soomaaliya oo geedigiisu maryo heer fiican.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Agaasimaha iyo Hey’adda IOM ayaa ka wada hadley Mashruuca MIDA FINNSOM oo mashruuc loogu talagaley in khibradleyda iyo kaadiriinta Caafimaadka baratey dib loogu soo celiyo dalka si loo horumariyo Caafimaadka Soomaaliya taasoo qeyb wayn ka qaadaneyso in la helo nidaam Caafimaad oo isku dhayla tiran islamarkaana qeyb ka ah hadafka xukuumadda ee ah Caafimaadka tayeysan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu booqday Isbitaalka Jaamacadda Helsink iyo Jaamacadda Metropolia University oo ka mid ah Jaamacadaha iyo Isbitaalada ka qeyb qaata hagaajinta iyo horumarinta qeybta Caafimaadka, waxa uuna agaasimuhu kala hadley sidii Isbitaalka iyo Jaamacadduba uwada shaqeyn lahaayeen Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Agaasimaha waxa uu sidoo kale kulamo la qaatey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland, waxa ayna ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya iyadoo uu agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliy soo jeediyey in la maalgashto Caafimaadka dalka taasoo keeneysa isku tashi dhinac kasta ah iyadoo la marayo Istiraatiijitadda dowladda ee horumarinta Caafimaadka.

Ugu dambeyn Agaasimaha guud ayaa ugu mahadceliyey Madaxda iyo Dowladda Finland garab istaagga ay markasta garab taagan yihiin Shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan taageerada ay ku bixiyaan qeybta Caafimaadka oo ah meesha ugu muhiimsan ee u baahan in la xoojiyo markasta si bedqabka bulshadu u hagaagto.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya iyo xaqijinta yoolka Xukuumadda ee Caafimaadka Dalkeena.







Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle oo lagu wareejiyey Gaadiidka gurmadka degdega ah “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo gaadiid Caafimaad ku wareejiyay wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle

Next Post
Wasiirka Caafimaadka XFS oo gaadiid Caafimaad ku wareejiyay wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle

Wasiirka Caafimaadka XFS oo gaadiid Caafimaad ku wareejiyay wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In