Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Fiqi oo kulan la yeeshay Xildhibaannada & Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Awdal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiir Fiqi oo kulan la yeeshay Xildhibaannada & Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Awdal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay Xildhibaanno iyo Senatorro ka tirsan barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wehliyaan siyaasiyiin iyo hoggaaomiyeyaal reer Awdal.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii  hal meel looga soo wada jeedsan lahaa ka hortagga damacia gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliyeed,  sidii loo adkeyn lahaa midnimada dadka reer Awdal iyo weliba in lagu wajaho difaaca gobonimada iyo midnimada dalka si middaysan oo aan tafaraaruq lahayn.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026

Ugu horreyn, Siyaasiyiinta, Xildhibaannada iyo Sanatarada ree Awdal ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay u diidan yihiin heshiis kusheegga lagu xalaalaynayo damacii soo jireenka ahaa ee Itoobiya, waxaa ayna xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay difaaca dhulkaasi udub dhexaadka u ah una taagnaa weligiis midnimada dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo kulanka ka hadlay waxaa uu uga mahadciyay shacabka reer Awdal dal iyo dobadba wadaniyadda iyo dhul jacaylka ay muujiyeen iyo sida ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, asaga oo hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ah ay tahay mid mar weliba u dhego nugul dareenka iyo rabitaanka dadka Soomaaliyeed, waxaa uuna hordhigay dadaallada dowladda ee maareynta damaca Itoobiya ee ka socota gudaha dalka iyo kuwa heer diblomaasiyadeed, isaga oo ugu dambeyntii hoosta ka xariiqey in dawladda Soomaaliya marnaba aysan gorgortan ka galeyn wadajirka dhulkeeda iyo Midnimada dadkeeda.

Previous Post

Dowladda oo shacabka u abaabulaysa arrimaha horutabinta u leh Qaranka

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa booqday qaar ka mid ah suuqyada Caasimadda

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa booqday qaar ka mid ah suuqyada Caasimadda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa booqday qaar ka mid ah suuqyada Caasimadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In