Tuesday, May 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
February 29, 2024
in Wararka
0
Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadley dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab iyo sugidda amniga dalka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgelaya Shirweynaha 6aad ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Degaanka.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

May 20, 2025
Hay’adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

Hay’adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

May 20, 2025

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Britain James Stephen Heappey.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Kenya u fadhin doona Soomaaliya Cyprian Kubai Iringo.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga illaalinta iyo maareynta deegaanka oo ay horray u ansixiyeen labada aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa daahfuray Madasha Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya.

7- Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guda jira ka doodista cutubka 2aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ee Soomaaliya.

8- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey qorshaha qaran ee hortagga dhibaatooyinka ay dalkeenna ku sababeen Isbeddelka Cimillada Adduunka.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah la qaatay Dowladda Turkiga Ibrahim M. Yagli oo xiligiisii uu dhammaadey.

10- Banaanbax lagu taageerayo heshiiska taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga oo ka dhacay garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow ee magaalada Muqdisho.

11- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama ayaa waddamaxa xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Waddamada Islaamka ka codsadey inay ku garab istaagaan Soomaaliya mowqifka ay uga soo horjeeddo xadgudubka Ethiopia ay ku soo faragelisay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo Wasiirka Cadaaladda Qatar,

1- Mudane Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi, ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga ee labada dal.

2- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa sheegtay in hawlaha maareynta hawada Soomaaliya ay si buuxda bedqab ugu shaqeynayaan, isla markaana aanay jirin wax dhibaato ah oo ka taagan.

3- Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka qeybgaley shir ay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ku soo bandhigtay warbixin ka xiriirta saameyntii ka dhalay roobabka iyo fatahaadihii Elnno ee degaanada HirShabeelle.

4- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.

5- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud oo ku eedeysanaa in uu gubay xaaskiisa oo u dhimatay dhaawacii soo gaaray.

6- Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, ayaa soo gaba-gabeysay dacwad rafcaan ah oo eedeysanayaal ay ka yihiin saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Soomaaliya taas oo soo socotay tan iyo bishii November 2023.

7- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya.

8- Magaalada Muqdisho oo lagu daahfuray Hay’adda Dhowrista Xogta oo muhiim u ah keydinta xogta gaarka ah ee shacabka.

9- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Sulub Ahmed Firin ayaa Mudane Qaasim Axmed Rooble u magacaabey inuu noqdo Afhayeenka cusub ee Ciidanka Booliska.

10- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Dr. Mamoon Al Alawi oo ah Xoghayaha Guddiga la Dagaalanka Ayaxa ee Mandiqadda Dhexe ee Hay’adda FAO.

11- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabada sanad-guurada 54aad ee Aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

12- Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka degmada Xarardheere ayaa dilay 10 xubnood ka tirsan Khawaarijta Al Shabab kadib hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen degaanka Baraag- Cali Gaduud.

13- Ciidammada Xoogga Dalka saaxiibada caalamka ayaa dilay 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab, kadib hawlgal ka dhacay degaanka Jilib-Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

14- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay Madaxa USAID Soomaaliya Sheri-Nouane Duncan-Jones.

15- Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka qeybgalaya dhoolatus milateri oo calami ah oo ka socda Kenya.

16- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa magaalada London kulan kulan kula qaatey saraakiil tirsan Dowladda Britain.

17- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Maxamuud Macalin iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa booqday biya xireenka Sabuun ee duleedka magaalada Jowhar.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Qatar 

Next Post

Raiisul Wasaare Xamse oo daah furay Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada “SAWIRRO”

Next Post
Raiisul Wasaare Xamse oo daah furay Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada “SAWIRRO”

Raiisul Wasaare Xamse oo daah furay Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada "SAWIRRO"

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

May 20, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda...

Hay’adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

Hay’adda socdaalka oo xarun cusub ka hirgalisay degmada Deyniile

May 20, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ayaa maanta xarunta saddexaad ee baasaboor bixinta ka furtay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.  ...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta

May 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha iskaamka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

May 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyee ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan Madax sare oo hay’adda SoDMA ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In