Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Tanzania

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Tanzania
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Daresalam kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Tanzania, Mudane January Makamba.

Labada Wasiir ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo baahida loo qabo in la abuuro nidaam iskaashi oo dhinacyo badan leh.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Daa’uud Aweys Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa Dowladda Tanzania uga mahadceliyay doorka ay ka cayaartey ansixinta xubinnimada Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC, iyo tallaabada ay ugu tanaasushey in Soomaaliya ay noqoto xubinta keliya ee Bariga Afrika ka socda ee u tartamaysa kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania, Mudane January Makamba ayaa uga mahad celiyay Dowladda iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ay ugula tiiraanyoodeen geeridii Madaxweynihii hore ee Tanzania Al Xaaji Sheikh Cali Xasan Mwinyi, wafdina u direen Tanzania sii uu uga qeybgalo aaska iyo tacsida hoggaamiyahaasi hore.

Mudane Makamba ayaa sidoo kale Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhameystirka hannaanka ku biirista Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), isagoo dhanka kalena ballanqaadey in dowladdiisa ay garab istaagi doonto sidii ay Soomaaliya ula qabsan lahayd hawlaha iyo adeegyada kala duwan ee EAC.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania xusay in dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa ugu dambeyn ku baaqey in laga wada shaqeeyo xasiloonida gobolka, si diiradda loo saaro horumarka iyo haqabtirka adeegyada muhiimka ah ee shacabka.

 

 

 

Previous Post

Guddoomiye Abshirow oo ka qaybgalay shirweynaha 8-aad ee Midowga Baarlamaanka Ururka Islaamka

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo xayirtay malaayiin dollar oo loo waday khawaarijta

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo xayirtay malaayiin dollar oo loo waday khawaarijta

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In