Saturday, April 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil kala duwan oo ka socotay Dowladda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Saraakiil kala duwan oo ka socotay Dowladda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray Saraakiil Kala duwan oo ka socday Dowladda wadanka Turkiga waxaana lagu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Ssareeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin, ayaa kulan kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wafdiga ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Related posts

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

April 25, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Muqdisho ka sagootiyay cutubyo ciidanka oo ku biiraya howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Muqdisho ka sagootiyay cutubyo ciidanka oo ku biiraya howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta

April 25, 2026

Saraakiisha ka socday Dalka Turkiga ayaa isugu jiray Talisyada Ciidamada Badda, Dhulka iyo Masuuliyiin ka Socotay Wasaarada Difaaca Dalka Turkiga.

Ujeeddada safarkooda ee Soomaaliya, ayaa qeyb ka ah dhismaha iyo Qalabeynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo in la xoojiyo Heshiiskii dhawaan ay wada galeen Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo ahaa Heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha.

Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Badda ee XDS Admiral Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka General Dayax Cabdi Cabdulle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo soo qaaday Calanka Ururka Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika

Next Post

Xildhibaannada Labada Aqal oo guda galay ka doodista cutubka 3-aad ee Dastuurka “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaannada Labada Aqal oo guda galay ka doodista cutubka 3-aad ee Dastuurka “SAWIRRO”

Xildhibaannada Labada Aqal oo guda galay ka doodista cutubka 3-aad ee Dastuurka "SAWIRRO"

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

April 25, 2026
0

RADIO MUQISHO:-Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayo Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), oo ah ugaaska...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Muqdisho ka sagootiyay cutubyo ciidanka oo ku biiraya howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Muqdisho ka sagootiyay cutubyo ciidanka oo ku biiraya howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta

April 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Muqdisho ka sagootisay cutubyo ciidan oo ka tirsan kuwa Xoogga...

Hoggaamiyaha Kumeel-Gaarka Ee KGS oo la kulmay mid kamid ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalka Ka Dhisan

Hoggaamiyaha Kumeel-Gaarka Ee KGS oo la kulmay mid kamid ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalka Ka Dhisan

April 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Kullan la yeeshay Guddoomiyaha...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In