Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku howlanaa dhibaateenta Shacabka Soomaaliyed.
Ciidanka NISA oo ku howlgalayay xogta shacabka ay ka heleen ayaa xubnaha shabakadaan ka soo kala qabtay degmada Dharkenley iyo deegaanka Ceelasha Biya, iyadoo waliba markaas gacanta kula jira dhagar ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.
Dhagarqabayaashan ayaa hadda waxa ay laamaha amniga ku hayaan baaritaano dheer ah.