Friday, December 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu soo bandhigayay buugga Hadhiwaa ee Qoraa Maxamed Haldoor oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu soo bandhigayay buugga Hadhiwaa ee Qoraa Maxamed Haldoor oo xalay lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025
Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

December 5, 2025

Munaasabad heerkeedu sareeyo oo aad loo soo agaasimay laguna soo bandhigayay Buugga Hadhiwaa ee uu qoray Maxamed Haldoor ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi oo  ka qeybgalay bandhigga Buugga Hadhiwaa ayaa iibsaday 120 buug, isagoo sidoo kale wakiil ka ah Ra’iisul Wasaaraha XFS ka iibiyay 150 taasoo wadarta guud ka dhigaysa 270 buug.

“Sharaf bay ii ahayd caaway in aan ka qeybgalo munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo bandhhigayey isla markaana lagu garab istaagayey qoraaga buugga Hadhiwaa Maxamed Haldoor. Waxaan buuggaas ka qaatey 120 xabbo, anigoo sidoo kale ku qaaday magaca Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre 150 buug”.ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Buugga ayaa ballanqaaday qarashaadka ku baxaya caafimaadka Qoraaga Buugaan Maxamed Muuse Jaamac (Haldoor) oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba.

Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo munaasabadda ka hadlay ayaa dhiirigeliyey Qoraa Maxamed Haldoor, isagoo sheegay in uu qabtay shaqa wanagsan islmarkaana ay muhiim tahay in ay ku daydaan dhallinyarada kale.

Masuuliyiinta kale ee ka qeybgalay xafladda lagu soo bandhigay Buugga Hadhiwaa ayaa dhamaan bogaadiyay Qoraa Maxamed
Haldoor oo ah nin dhallinyaro ah kana mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba,isagoo soo badhigay buugan oo ka hadlayo inta badan noloshiisa.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Next Post

Booliiska oo gacanta ku soo dhigay 140 Hoobiyayaal ah oo khawaarijta dooneysay inay shacabka ku dhibaateyaan

Next Post
Booliiska oo gacanta ku soo dhigay 140 Hoobiyayaal ah oo khawaarijta dooneysay inay shacabka ku dhibaateyaan

Booliiska oo gacanta ku soo dhigay 140 Hoobiyayaal ah oo khawaarijta dooneysay inay shacabka ku dhibaateyaan

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee XFS Cali Ifiye Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir...

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

December 5, 2025
0

Wasiirka Awqafta iyo Arrimaha Islaamka XF S Mudane Sheekh Muqtaar Rooboow oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay...

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

December 5, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye oo qabtay dood cilmiyeed ay ka qeybgaleen qaar kamid ah...

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo kulan la qaatay ciidan Soomaali ah oo ku sugan dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo kulan la qaatay ciidan Soomaali ah oo ku sugan dalkaasi

December 5, 2025
0

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia , oo ay weheliyaan diblomaasiyiinta Safaaradda, ayaa kulan dhiirigalin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In