Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Xue Bing oo dhambaal ka siday Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo abaalmarino guddoonsiiyay tartameyaal ku guuleystey tartanka Quraanka Kariimka ee bisha Ramadan.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhameystirka dastuurka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay wajiga 2aad ee adeegga 5G, oo ay Shirkadda Hormuud ka hirgelisay magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeey Geerida Senator Cabdirisaaq Cismaan Xareed oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Moscow oo dad badan oo rayid ah lagu dilay.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomey danjireyaasha dalalka Turkiga, Kuuriyada koonfureed, Filibbiin iyo Sirilaanka.

8- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiaha cusub ee Turkiga u soo magacaabey dhowaan Soomaaliya Mudane Alper Aktas, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabadda afurka is- aragga xukuumadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

10- Baarlamaanka Soomaaliya oo soo gabagabeeyay dooda 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre  ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, laguna saleynayo qorshaha xukuumadda ee casriyeynta dowladnimada Soomaaliya.

13- Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay muhimadda ay leedahay in la sameeyo shuruucda lagu hagayo doorashooyinka si looga hortago hubanti la’an siyaasadeed oo dalka ku habsata.

14- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay ergada gaarka ah ee Ololaha Doorashada hoggaanka Guddiga Midowga Afrika oo ay u sharaxan tahay Xildhibaanad Fowsiya Xaaji Aadan.

15- Golaha Wasiirrada ayaa kulankiisii toddobaadlaha waxaa looga hadlay amniga dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka.

16- Guddiga dib u eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala wareegay Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka KMG ah, soo-jeedimaha nuqulka kama danbaysta ah oo lagu soo dhafay talooyinkii iyo aragtiyihii mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka.

17- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fadliga bisha Ramadan awgeed cafis u fidiyay 116 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.

18- Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qayb galay banaanbax ay dhigeen shacabka Muqdisho oo ay ku taageerayaan dhamaystirka Dastuurka.

19- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliyaq Mudane Biixi Imaan Cige ayaa furay u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga Horumarinta Afrika, kaas oo dib loogu eegayo mashaariicdii uu Bankiga ka fuliyay dalka intii u dhexeysay 2022- 2024.

20- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Mudane Axmed Xasan oo kulan la yeeshay Safiirka Norway ee Soomaaliya.

21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo gobolka Shabeelaha Hoose ka sameeyay hawlgalo lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo Khawaarijta.

22- Kulanka Habeenka Qurbe Joogta Soomaaliyeed oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda iyo diblomaasiyiin ayaa lagu qabtey qabtay Muqdisho.

23- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa kulan la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

24- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Federaalka ah.

25- Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa safar isu Jira kormeer iyo dhiiri gelin ku tegay xeryaha ciidanka iyo furimaha dagaalka ee gobalka Shabeellaha Hoose.

26- Hay’adda Tayadhowrka Soomaaliyeed ayaa Dekadda Weyn ee Muqdisho ku qabatay Kunteenar ay ku jiraan 249 Kartoon oo Taabuug mukhaadaraad ah.

27- Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa 10 sano xabsi ah ku ridday Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Hoose ee Degmada Afgooye oo lagu helay inuu Khawaarijta kala shaqeynayay dhanka xogta iyo sirdoonka.

28- Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Xassan Maxamed ayaa Dalka Tanzaaniya uga qaybgalay shirka horumarinta jorumarinta siyaasadda  caafimaadka ee Afrika.

29- Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa xukun 10 sano ah ku riday, Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge oo lagu helay ka mid ahaanshaha iyo la shaqeynta Khawaarijta Al Shabab.



Previous Post

Shil gaari oo sababay dhimasho oo ka dhacay Isgoyska Jubba

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In