Friday, August 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildibaannada Labada Aqal ee Baarlamaaka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhamaystirka Dastuurka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 30, 2024
in Wararka
0
Xildibaannada Labada Aqal ee Baarlamaaka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhamaystirka Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 31-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen Ku-xigeenada Labada Aqal ayaa ajandaha kulanka maanta wuxuu ahaa ansixinta soojeedinta wax-ka-bedelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kooramka Golaha Shacabka ayaa haa 212, Sennatarada na 42.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025

Xogahayaha Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Labada Aqal Sennatar Siciid Cawke, oo ugu horreyn  soo jeedyay in seddex qodob ka ka tirsan cutubka 2-aad laga reebay rasteynta iyo ansixinta 4-ta Cutub ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriaydda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanadda Labada Aqal ayaa cod aqlabiyad leh ku anxiyay Cutubka 1-aad ilaa Cutubka 4-aad ee dastuurka. Waxaa Golaha Shacabka u codeysay 212, wax diiday iyo wax ka aamusay ma jiraan, Aqalka Sare 42, wax ka aamusay iyo wax diiday ma jiraan waxaana uu Guddoomiyaha sheegay in sidaasi uu ansax ku yahay.

Guddoomiyaha Guddiga la socod-ka Dastuurka Labada Aqal Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf, (Xuseen Iidow), ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay shaqadii wanagsaneyd ee ay soo qabteen iyo Guddiga Madaxbannan ee Dib u eegista Dastuurka oo juhdi badan ku bixiyay sidii looga mira-dhalin lahaa wax-ka-bedelka  Dastuurka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada, Sennatarada, ciidanka ammanka iyo bahda saaxaafada oo uu ku tilmaamay in ay guteen waajibkooda ugu na shaqeeyeen dalkooda. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xusay in Baarlamaanka uu galay waqtigiisa fasaxa ahaa, isagoona Xildhibaannada Labada Aqal kula dardaarmay in waqtiga fasaxa laga faaideysto lana aado deegaan doorashooyinka.














Previous Post

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo kulan Afur-wadareed ah u sameeyey Diblomaasiyiin kala duwan

Next Post

Meel marinta afarta Cutub ee Dastuurka iyo Guullaha is daba jooga ah ee DFS

Next Post
Meel marinta afarta Cutub ee Dastuurka iyo Guullaha is daba jooga ah ee DFS

Meel marinta afarta Cutub ee Dastuurka iyo Guullaha is daba jooga ah ee DFS

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025
0

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda. 1-da Agoosto 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

August 1, 2025
0

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey Buuraleyda...

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

August 1, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff ayaa maanta booqanaya Gaza si uu u kormeero goobaha cuntada lagu qaybiyo, sida...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In